Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirro)

Waxaa caawa qarax nuuca gawaarida lagu xiro uu ka dhacay isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Sida aan Wararka ku heleyno gaariga qarxay ayaa taagnaa agagaarka Isgooska Dabka , gaariga ayaana la sheegay xiliga uu qarxayay aysan cidna saarneyn, waxaana labo ruux oo watay gaarigaasi ku sugnaayeen goob aan ka fogeyn halka gaarigu ku qarxay.

 

Ma jiro ilaa hada khasaaro lasoo wariyay oo ka dhashay qaraxan gaariga lagu soo xiray, waxaana goobta qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyo dadkii lahaa gaadiidka loogu soo xiro, waxaana qaraxyadan inta badan ay khasaaro kasoo gaartaa ruuxa wadata gaariga lagu soo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo fasaxay in Hub balaayiin Dollar jooga laga iibiyo Sacuudiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo caawa Magacaabay la taliyeyaal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Imaaradka oo diyaarad khaas ah usoo diray Madaxweyne Cirro oo la martiqaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---