Trump oo fasaxay in Hub balaayiin Dollar jooga laga iibiyo Sacuudiga iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa fasaxay in hub casri ah oo balaayiin dollar jooga laga iibiyo boqortooyada Sacuudiga, xili ay tilaabadan hubka looga iibinayo Sacuudiga kasoo horjeedaan Xildhibaanada Mareykanka.

Trump ayaa adeegsaday sharci gaar ah oo heer federaal ah si Sacuudiga loogu ogolaado in laga iibiyo hub lagu qiimeeyay 8-bilyan oo Dollar, waxa uuna Trump talaabadan la dhinac maray Aqaka Koongareesku ay aheyd in ay ansixiyaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump in talaabadan u qaaday si Sacuudiga uga garab siiyo halista uga imaan kareta dalka Iiraan oo colaad dheer ka dhaxeyso.

Hubkan Mareykanka uu ka iibinayo Sacuudiga ayaa la sheegay in ay ku jiraan kuwa casri ah ay kamid yihiin gantaalaha wax bur buriya iyo bambaanooyin kale oo geesan kara dhibaatooyin badan.

 

- Advertisement -