Allbanaadir.com
NEWS

Imaaradka oo diyaarad khaas ah usoo diray Madaxweyne Cirro oo la martiqaaday

Madaxweynaha maamulka  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo, ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Dawlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha Somaliland u fidisay marti qaad rasmi sidoo kale-na u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.

Safarka Madaxweynaha maamulka  Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay.

Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dhinac.

Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta .

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Xamse oo Magacaabay RW ku-xigeen kale & Wasiiro

Caydiid Ali

Amaro adag oo la siiyay Taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Gaalkacyo iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---