Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Farmaajo ayaa u bilaabatay booqasho uu ku marayo magaalooyin katirsan Galmudug, waxa uuna soo gabo gabeeyay Booqasho dhoor maalmood qaadatay uu ku marayay magaalooyin katirsan Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu tago magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado. Dhuuso Mareeb, Guriceel ,iyo Caabud Waaq, waxaana socda diyaar garoga soo dhaweynta Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo dhuunta qabatay Farmaajo & Villa Somalia oo kala qeybineysa Ciidanka XDS

Caydiid Ali

(Sawirro) Xafiiska cusub ee Somaliland ka furatay Taiwan oo xariga laga jaray

Caydiid Ali

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo mudo kordhin loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---