Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo mudo kordhin loo sameeyay (Sawirro)

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa mudo kordhin u sameeyay Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareen kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Xildhibaannada Koonfur Galbeed ka codsadey in ay u sameeyaan muddo kordhin ayna ugu daraan mudo xileedkiisa mudo hal sano ah.

Xildhibaano taageersan Madaxweyne Laftagareen oo gaaraya 33 mudane ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in mudo xileedka Madaxweynaha hal sano lagu daro.

Kulanka Baarlamaanka oo goobjoog ahaayeen 87 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey  in muddo xileedka  Madaxweynaha Koonfur Galbeed loogu daro muddo hal Sano ah si la isku waafajiyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hada xilka haya mudo sanad bilooyin ah, waxaana xilka uu sii heyn doonaa mudo afar sano ah iyadoona isku waqti dhici doonaan Xilka Madxaweynaha iyo Baarlamaanka oo horey u kala duwanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muddo kadib Malaga yaabaa in ay soo afjarmaan Kooxda Alhu suna ee ka talin jirtay Gobolada dhaxe (Wax ka Ogoow)

admin

Tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee loo xusay Aas-aaska Milatariga Soomaaliya iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---