Xoghayihii difaaca Mareykanka oo iscasilay & Xog ku aadan sababta ka dambeysa

Xoghayihii difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegey inuu shaqada ka tagayo bisha February.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Tweeter-ka soo dhigey inuu howl-gab noqonayo Gen. Mattis bisha February ee sanadka dhalanaya.

Balse Gen. Mattis ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegey inuu shaqada uga tagayo ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen Madaxweynaha, ayna isku khilaafeen arrimo badan.

Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xili la isku mari la’yahay miisaaniyadda dowladda oo ku eg caawa saqda dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -