Nin lugeeyay in ka badan 1,300 KM si Ra’isul Wasaaraha dalkiisa ula kulmo (Daawo Sawirada)

Nin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Muktikant Biswal ayaa lugeeyay 1,350 killomitar si uu ula kulmo una xasuusiyo Ra’isul Wasaaraha dalkaasi balan qaad uu sameeyay xiligii uu ku jiray ololihii doorashada uu ku guuleestay.

Muktikant Biswal ayaa lug kasoo bilaabay Gobolka bariga dalka Hindiya ku yaala ee Orissa, waxa uuna ugu dambeyn ninkan socod kusoo gaaraya dhawaan Waqooyiga magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya.

Ninkan ayaa intii uu soom lugeenayay la dhigay isbitaal kadib markii uu xanuunsaday, waxa uuna ninkan cadeeyay in uu ka dhabeenayo riyadiisa ku aadan in uu la kulmo Ra’isul Wasaaraha Hindiya.

Wareysi uu bixiyay ayuu ninkan ku sheegay in sababta uu usoo lugeeyay ay tahay in Ra’isul Wasaare Modi xasuusiyo balan qaad uu sameeyay xiligii doorashada oo ku aadanaa in si casri ah u dhisayo isbitaal kuyaala deegaanka uu kasoo jeedo ee Ispat.

Ninkan lugta dheer soo galay ayaa socdaalkiisa soo bilaabay  16-kii bishii April ee sanadkan  , waxa uuna ninkan isaga oo sita calanka dalka Hindiya uu soo lugeeyay xili cad ceeda dalka Hindiya aad u kululeyd.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdada ninkan, waxa uuna sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu la kulmo Ra’isul Wasaaraha Hindiya dibna u xasuusiyo balan qaadkii uu horey u sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -