Hay’adda NISA oo sheegtay iney qabatay Sarkaal halis ah oo ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay caawa inay gacanta ku dhigay xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Nabadsuggida ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay qabteen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo madax ka ahaa kooxda Qaraxyada qarsoon ku xirta baabuurta.

“Ciidanka NISA ayaa gacanta ku soodhigay dhagarqabe amniga Al-shabaab ka tirsan, oo madax ka ahaa xarun qarsoon oo walxaha qarxa gawaarida lagula xiro. Shakhsigan ayaa sidoo kale cagajuglayn baad uga qaadi jiray qeyb ka mid ah dadka dagan Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri NISA qoraalka ay soo saartay.

Laguma sheegin qoraalka NISA halka laga soo qabtay sarkaalkan iyo magaciisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -