Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Muqdisho looga xusay 75-guuradii kasoo wareegtay Aas aaska Ciidanka Booliiska ..

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu xusayay 75- sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowlada, taliyaal ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowlada uu hogaamiyo ku dadaaleyso sidii loo xoojin lahaa loona qalabeyn lahaa ciidanka qalabka sida gaar ahaan ciidanka booliiska.

“Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.”Ayuu yiri Madaxweynaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidanka booliiska Soomaaliya in ay noqdaan kuwa kasbada shacabka una cadaalad fala, waxa uu xusay Madaxweynaha in  cadaalada ay ka bilaabato saldhigyada booliiska.

“Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.”Ayuu yiri Farmaajo.

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa intii ay socotay munaasabada waxa ay soo bandhigeen gaardo ka cayaar xiiso badan, waxaana Madaxweynaha hortiisa socod ku maray qeybaha kala duwan ee ciidanka booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -