Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu iibiyo waxa ay ku dileen nin shacab ah oo la sheegay in uu halkaasi ku lahaa goob ganacsi.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan ay maanta dileen ganacsade Suuqa Qudaara ku lahaa mehrad ganacsi, waxaana kooxda dilka fulisay goobta uga baxsadeen si deg deg ah.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay , waxa ayna ciidamada booliiska halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay si ay baaritaano ugu sameeyaan dilkaasi.

Wali lama oga ganacsadaha la dilay sababta loo dilay iyo waliba cida dishay, mana jiro wali cid sheegatay masuuliyada dilkaasi , mana ahan markii ugu horeesay uu dil nuucaan ah ka dhaco gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dilkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili amaanka magaalada si weyn loo adkeeyay lana xiray qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -