Jadwalkii uu dejiyey Guddiga doorashada Aqalka sare oo Markii labaad fashilmay

Maanta oo taariikhdu tahay 14-ka Janaayo waxaa ku eg waqtiga uu Guddiga doorashada lagu muransan yahay u asteeyay qabashada doorashada Aqalka Sare ee baarlamanka Somalia.

Guddigan ayaa 19-kii bishii Disembar ee sanadkii hore shaaciyey in tartanka kuraasta Aqalka Sare la qabto inta u dhaxeysa 7-14 Janaayo oo maanta ku eg.

Waa markii labaad oo uu fashil ku yimaado jadwal doorasho oo ay soo saareen guddigan ay magacowday dowlada Somalia.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa khilaaf uu ka taagan yahay nidaamka doorashada baarlamanka Somalia labadiisa aqal, kaasoo u dhexeeya madaxda DF, mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaarkood, mana jiro illaa hadda ifafaale muujinaya qabashada doorasho la isku raacsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -