Xagee ku Dambeeyay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo ?

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Mooshin xil ka qaadis ah waxa ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedeaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay waxaa aqbalay Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, waxa uuna gudoomiyaha sheegay in Mooshinka la marsiinayo  habraaca saxda ah .

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankeeda mooshinka ka bixisay jawaabooyin deg deg ah ay ugu horeesay in la xanibo Gudoomiyaha golaha shacabka oo dhax deganaa xarunta Madaxtooyada loona diiday in uu la kulmo Xildhibaanada iyo dadka kale ee taageersan.

Mooshinka ayaa xiisad ka dhax abuuray dowlada dhaxdeeda gaar ahaan Madaxda dalka ugu sareysa, waxaana gudoomiyaha golaha shacabka ku qasbanaaday in xeendaabka Madaxtooyada ka guuro si xanibaada la saaray uga baxo.

Hadal heynta Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yaraaday maalmihii lasoo dhaafay , waxaana hadal heynta mooshinka badalay xarigii Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Doorashadi muranka abuurtay ee Koonfur Galbeed.

Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay ayaan wali wax xal ah laga gaarin , waxaana warkooda la waayay inta badan Xildhibaanada mucaaradka ee taageersanaa Mooshinka iyo Xildhibaanada muxaafidka ee difaacayay Madaxweynaha.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa kulamo la qaatay kuxigeenadiisa iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa ayna kawada hadleyn xal ka gaarida khilaafka gudoonka iyo arinta mooshinka.

Maxamed Mursal ayaa tan iyo markii uu la kulmay kuxigeenadiisa iyo Kheyre wax war ah soo saarin, mana jiro ilaa wali heshiis muuqda oo laga gaaray khilaafka taagan iyo sidoo kale mooshinka ka yaala Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaana dad badan isweediinayaan mooshinka Madaxweynaha ma xal siyaasadeed ayaa laga gaari doonaa mise Baarlamaanka go’aan ka gaari doona oo ka doodis iyo cod u qaadis sameenaya, mise xaalka sidan ayuu sii ahaan doonaa ?

Jawaabahan ayaan wali si sax ah looga heyn gudoonka golaha shacabka iyo Madaxda sare ee dalka, waxa uuna mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha dowlada ka dhax abuuray xiisad sidoo kale dhaliyay dib u dhac.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labo garab u kala qeybiyay Gudoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka, waxa uuna mooshinkan saameyn badan ku yeeshay shaqooyinka Hay’adaha dowlada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -