Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Somalia oo looga sheekeeyey Qiso oday 60 jir ah ku qabsatay gobolka Sh/hoose

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale,  waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah oo ku nool Gobolka Shabeellaha hoose uu la dagaalamay rag Al-Shabaab ka tirsan, kadib markii ay isku dayeen inay ka qaadaan Lacago baad ah, isla markaana uu iska dhiciyey.

“Golaha waxay warbixino ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka dhageysteen Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga, iyaggoo sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo amniga ku saabsan, lana sii kordhin doono, Wasiirka Amniga waxuu uga mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo xogaha ay siiyaan, sidoo kale waxa uu xusay Shaqsi Lixdan jir ah oo jooga Gobolka Sh/hoose inuu la dagaalay Maleeshiyada Alshabaab, iskana dhiciyey, taasna waxay ku tusineysaa in Shacabka uu u istaagay in amnigooda ay ilaashadaan” ayuu yiri Wasiir Eng Yariisoow

Wasiirka oo sii hadlayey, ayaa sheegay in sidoo kale Golaha wasiiradda ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, isaggoo golaha u sheegay in wasaaradda ay wado dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo Wasaaradda Difaaca iyo howlaheeda.

” Wasiirka Gaashaandhigga waxuu ka hadlay dib u habeyn lagu sameynayo Wasaaradda gaashaandhigga iyo Howlaheeda, ha noqoto qorshaha u dagsan iyo Xeerka anshaxa Ciidanka Xoogga dalka oo isaguna si wanaagsan u socdo, intaas ka dib wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey” siddaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Najib Balala oo Xabsi la dhigay iyo dambiga lagu eedeeyay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Iska horimaad ka dhacay Kontrolka Magaalada Boosaaso iyo Sarkaal lagu dilay

Caydiid Ali

Puntland iyo DFS oo ku murunsan cida maamuleysa waddo laami ah oo la dhisayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---