Iska horimaad ka dhacay Kontrolka Magaalada Boosaaso iyo Sarkaal lagu dilay

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay iska horimaad culus oo ka dhacay kontrolka magaalada Boosaaso kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ku sugnaa iyo ciidamo ka yimid degaanka Carmo.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa yimid ka dib markii ciidanka Puntland ee joogay kontrolka ay is hor taageen ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo doonayey iney gudaha u galaan magaalada, kuwaasoo uu horkacayey nin la yiraahdo Ciise Yulux.

Dadka iska horimaadkan ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Puntland ee joogay Kontrolka Boosaaso, waxaana wararka qaarkood ay dhimashada gaarsiinayaan illaa shan askari oo labada dhinac ah uuna ku jiro taliyahan.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada loo diiday iney Boosaaso galaan uu qorshohoodu ahaa iney garab siiyaan Hay’adda PDG oo qaabilsanayd saadka ciidamada Badda Puntland oo saaka xiratay qaar ka midda wadooyinka Magaalada Boosaso iyagoo ka gadoodsan shaqo joojin lagu sameeyey.

Ciidamadii weerarka kontrolka Boosaaso ayaa ugu dambeyn gudaha u galay Magaaladaas, Waxaana saraakiisha hogaamineysa ay sheegeen in maamulkii loo magacaabay dhowaan magaalada Boosaaso uu ku fashilmay iney ka wax ka qabtaan dhibaatooyin ka jiray halkaas, ayna iyagu hadda u yimaadeen iney xaliyaan cabshada shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -