Allbanaadir.com
NEWS

Kooxda Wagner oo qeyb ka ah dagaalka ka socda Sudan iyo Mareykanka oo ka walaacsan

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda calooshood u shaqeestayaasha milatari ee taageerada ka hela dowladda Ruushka ee Wagner, qeyb ka yihiin dagaalka xooggan ee xilligan ka socda dalka Sudan.

Warbaahino caalami ah oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa tabiyay in hoggaanka kooxda Wagner ay hub ku taageereen ciidamada sida milatariga u tababaran ee RSF ,kuwaa oo dagaal kula jira ciidamada milatariga Sudan.

Kooxda Wagner ayaa la sheegay in si hoose iyo si toos ahba in ay u taageerayaan ciidamada RSF uu hoggaamiyo General Mohammed Hamdan Dagalo , iyaga oo ku caawinaya saanad hub ah iyo farsamooyin kalaba.

Sargaal horey uga tirsanaa dowladda Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Wagner  inay geynayaan Sudan, hubka sida fudud loo qaadi karo, ee loogu talo galay difaaca hawada, gantaallada garabka laga rido, iyo hub kala duwan oo kale.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergey Lavrov oo wax laga weediiyay ku lug lahaanshaha colaada Sudan kooxda Wagner ayaa sheegay in arrintan u taallo hoggaanka Qaarada Afrika.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa walaac xooggan ka muujiyay ku lug lahaan-shaha colaada Sudan kooxda Ruushka ee Wagner, waxa uuna sheegay in ku lug lahaanshaha kooxda ay awood u leedahay in ay sii huriso colaadda.

Kooxda RSF ee dagaalka kula jirta milatariga Sudan ayaa dhankeeda beenisay in ay taageero ka helayaan dowladda Ruushka iyo sidoo kale kooxda Wagner ee ka macaashta goobaha ay dagaalada ka jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho oo Jawi Ciidan iyo Jid xirasho cusub gashay iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo Weerar loo adeegsaday Toorey ka geestay dalka Talyaaniga

Cabdi Cade

Ciidamada Kenya oo saakay isaga baxay Deegaan Istaraatiiji ah iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---