Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada 19-kursi oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho oo la shaaciyay

Guddiga maamulka doorashada gobolada Waqooyi ayaa maanta qoraal ay soo saareen ku shaaciyay 19-kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka oo dhawaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Doorashada kuraastan ayaana si rasmi ah guddiga u shaacin xiliga la qabanayo, balse waxa ay cadeeyeen guddiga doorashada gobolada waqooyi in la guda galayo diyaarinta doorashada kuraastan.

Kuraasta la shaaciyay in Muqdisho lagu dooranayo ayaa kala ah

1: HOP205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir  Cabdiraxmaan

2: HOP246 oo uu ku fadhiyo Axmed Maxamed Jaamac

3: oo uu ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir

4: HOP240 oo ay ku fadhiso Suuri Diiriye Carab

5: HOP247 oo ay ku fadhiso Khadro Maxamed Dukaale.

6: HOP245 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Axmed Suge

7: HOP268 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

8: HOP269 oo uu ku fadhiyo Maxamed  Cabdullaahi Kaamil.

9: HOP267 oo ay ku fadhiso Saynab Maxamed Caamir.

10: HOP259 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis

11: HOP258 oo ay ku fadhiso Sahro Yuusuf Cige

12: HOP243 kursigaan waxaa horay isaga casilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka Maxamed Cumar Carte.

13: HOP206 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Ibraahim Cabdi

14: HOP263 oo uu ku fadhiyo Muuse Saciid Jaamac

15: HOP241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamuud

16: HOP 212 oo ay hadda ku fadhiso Nuuriye Aadan Ciise.

17: HOP207 oo uu ku fadhiyo Feysal Cumar Guuleed

18: HOP2015  waxaa kursigaan hadda ku fadhiya Faatix Saciie Xasan

18: HOP224 waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay Saalax Axmed Jaamac, balse sanadkaan uu u wareegay dhanka Aqalka Sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gaari goor dhow ku qarxay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (SawIrro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Daah furay Barnaamij cusub oo taakuleyn ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiye degmo oo ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaarigiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---