Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Xildhibaan British ah oo u ololeeya Qadiyada Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Mp, Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland waxa uu soo dhaweeyey Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, maantana dalka yimi.

Kulanka madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta, dardargelinta iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay xildhibaan Sir Gavin Williamson iyo mudaneyaasha kale ee dedaalka geliyey kor u qaaddida qaddiyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, xildhibaan Gavi Williamson, ayaa dhankiisa madaxweynaha Qaranka Somaliland uga mahadnaqay sida diirran ee u soo dhaweeyey.

Related posts

Rooble oo u laab qaboojiyey Mucaaradka & Laftagareen oo weeraray Xasan Shiikh

Caydiid Ali

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali

Xisbiga Sheekh Shariif oo ku guuleestay Dacwad ay ka gudbiyeen Dowlada iyo Magdhaw …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---