Somaliland oo dowlada Somalia ku eedeysay iney abuureyso cadaawad cusub

Maamulka Somaliland oo dowlada federaalka Somalia ku eedeeyey iney waddo dagaal iyo cadaawad ka dhan ah shacabka Somaliland iyagoo dhinaca kale baaq u dirtay beesha caalamka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland ayaa waxay ku sheegeen iney fariin adag u diraan wax ay ku tilmaameen Maamulka Muqdisho oo ay ku eedeeyeen inuu mar walba ku taaggan yahay dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi baa la yiri  muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka Maamulka Somaliland ayaa uga digay dowlada Somalia iney qalalaase ka abuurto gobolka geeska Afrika.

“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in Maamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh inuu ka abuuro mandaqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer Ugu dambeyn waxaan shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-Saxaafadeedka kasoo baxay golaha wasiirada Somaliland oo u qornaa sidan:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -