Allbanaadir.com
NEWS

Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa xalay weerar ku qaaday gaari yar oo nuuca raaxada ah xili uu marayay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana kooxdii weerarka geesatay la sheegay in gaarigaasi horey u wateen.

Goob joogayaal ayaa ku waramay rag biskoolado ku hubeesan ay rasaas ku fureen nin watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, waxaana la sheegay in gaariga horey u qaateen iyada uu ku jiro ninkii watay oo dhaawac ah.

Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa gaaray halka uu weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wali baadi goob ugu jiraan kooxdii weerraka geestay iyo gaariga ay qaateen.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ku aadan weerarkan oo kasoo baxay laamaha amaanka, waxaan sidoo kale la ogeyn waxa uu ahaa ninka la weeraray ay kooxda hubeesan horey u qaateen dhaawiciisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni: “Hadafkayga ugu weyn waa inaan ka taqalusno nidaamka Farmaajo”

Caydiid Ali

Sidee u dhaqan galay Amarkii Maamulka G/Banaadir ee lagu xiray goobaha lagu caweeyo?

Caydiid Ali

Ciidanka Nabad Sugida oo Muqdisho ku xiray Wariye caan ah iyo cidda amartay xarigiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---