Abuu Mansuur oo laga saaray Liiska Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed kadib markii ..

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Guddiga doorashada Koonfur Galbeed liiska musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha maamulkaasi ka saareen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowlada xabsi dhigtay.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee buuxiyay shuruudaha doorashada, waxa uuna Abuu Mansuur heestay shahaadada musharaxnimo.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in cadaadis lagu saaray in liiska ka saaraan Abuu Mansuur oo khamiistii laga soo xiray magaalada Baydhabo hadana ku xiran magaalada Muqdisho.

Xubin kamid ah guddiga doorashada ayaa sheegay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Musharaxiinta maadaama uusan joogin Baydhabo uuna yahay xiligan Maxbuus aan madax banaaneyn.

Sida aan Wararka ku helnay Abuu Mansuur ayaa laga cabsaday hadii aan liiska Musharaxiinta laga saarin in la doorto isaga oo Maxbuus ah, waxa ayna taasi dhalin laheyd buuq hareeya doorashada.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in Abuu Mansuur doorashada uga reebtay iyada oo ka cabsi qabtay in uu guuleesto, waxa uuna Abuu Mansuur wal wal badan ku abuuray Musharaxa ay taageereyso Madaxtooyada Soomaaliya Cabdicasiis Lafta Gareen.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan xiligan sababta dowlada federaalka u xirtay ugana reebtay Abuu Mansuur doorashada in ay tahay in ay ka walaacsaneyd in uu ku guuleesto doorashada una dhaga nuglaan waayo rabitaanka Dowlada Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -