Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo ciidamo badan oo lasoo dhoobay Magaalada

Waxaa saaakay inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka dadweynaha iyo kuwa caadiga loo diidayaa in ay maraan wadooyinka xiran.

Ciidamo badan oo katirsan booliiska iyo laamaha kale ee amniga ayaa lasoo dhoobay qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamadan magaalada lagu soo daadiyay ayaana ah kuwa aad u foojigan .

Wali lama oga sababaha rasmiga ah ee saakay loo xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka xiran ku jira kuwa aan horey loo xiri jirin marka ay dalka xitaa imaanayaan madax sar sare.

Laamaha amaanka ayaana wali ka hadlin wadooyinka saakay la xiray iyo ciidamada magaalada lagu daadiyay, waxaana xirnaashaha wadooyinka dhib badan ku qaba shacabka oo lugta maalaya halkii ay gaadiid adeegsan jireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -