Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay sababta loo xiray weriyihii Idaacadda VOA-da

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa shaaciyey sababtii loo xiray weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo Idaacada VOA magaalada Baydhabo iyo degaanada Bay iyo Bakool uga soo warami jiray.

Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in wariye Catoosh loo xiray War been abuur oo ku saabsanaa kufsi ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose oo markii la baaray aanu jirin meel laga soo xigtay, weriyuhuna uu sheegay inay gabar yar ugu dhimatay isbitaalka magaalada Baydhabo.

WERIYE MUKHTAAR MAXAMED CATOOSH

Wasiirka ayaa caddeeyay in Xeer ilaalinta maamulkooda ay ku soo oogeen Dacwad la xariirta inuu war been ah fidiyey, haddana loo diray xabsiga Dhexe ee Baydhaba si ku meelgaar ah markii shalay la geeyay Maxkamadda Baydhabo.

“Mukhtaar Maxamed Catoosh waa eedeysane, umana xirna siyaasad ee waxaa loo xiray warar been abuur ah oo uu faafiyey” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koofur Galbeed oo sheegay in sharciga lagu kala baxayo, weriyahana laga rabo inuu cadeyn u keeno gabadha uu baahiyey iney kufsiga ugu dhimatay Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -