Allbanaadir.com
NEWS

Qatar Airways Oo Duulimmaad toos ah ka Bilaabaysa magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshaan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa.

Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya.

Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khaatumo oo war kasoo saartay Dagaalka saakay qarxay iyo sida uu ku bilowday

Cabdi Cade

Shirweynaha Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo Muqdisho ka furmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Cali Ugaas iyo madax ka qeyb gashay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---