Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Cali Ugaas iyo madax ka qeyb gashay (Sawirro)

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa waayihiisa.

Salaadda Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda , ehellada marxuumka iyo dadweyne .

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle sidoo kal soo noqfay safiir ayaa saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho uu muddooyinkii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -