Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax lagu soo dhejiyey gaari ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay xaafada Siigaale ee degmada Hodan ka dib markii uu si lama filaan ah u qarxay gaari noociisa lagu sheegtay kuwa raaxada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ka dib uu gaariga ka kacay dab aad u xoogan iyo qiiq cirka isku shareeray.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa qabsaday gaarigan iyo sababta miinada loogu xiray qofka watay oo sida muuqata qorshuhu ahaa in lagu qaarajiyo.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, faahfaahin intaas dhaafsana lama hayo weli, hase ahaatee qaraxyada noocan ah ayaa horey dad badan loogu laayey kuwaasoo isugu jiray dad dowlada u shaqeeya iyo shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Malaayiin Dollar uu xaday Sani Abacha oo loo qeybinayo dad masaakiin ah

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo xiray nin ku kacay fal dad badan ka careesiiyay

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---