Dowlada Somalia oo albaabada u laabtay Xabsiga godka Jilacow & Sababta ka dambeysa

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday iney xirtay Xabsiga Godka Jilacow, kadib shir jaraa’id oo goor dhow lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in xabsiga loo badelay Akedeemiyad dadka lagu tababaro.

Sababta loo xiray xabsiga ayuu ku sheegay wasiirku iney tahay cabasho uga timid Shacabka & Hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, isagoo xusay in hadda kadib aysan jiri doonin dad lagu xirayo xabsigaas, iyadoo kuwii ku jirayna loo wareejiyey xabsiyo kale.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo isna shirka jaraaid ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in sare loo qaado xaaladdaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xabsiga Jilicow oo ku yaalla degmada Boondheere meel aan wax badan ka fogeyn Villa Somalia ayaa lagu xiri jiray dadka lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin waxa loogu yeero argagaixisada, waxaana dadka xabsigaas ka soo baxay ay sheegeen in ciqaab iyo jirdil adag lagu sameeyo maxaabiista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -