(Sawirro) Beesha Dhabarweyne oo taageertay ansixinta Metelaada G/Banaadir ee Aqalka sare

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta, dhaqanka, aqoonyanada, Dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha bulshada beesha Dhabar-weyne oo ka mid ah beelaha Banaadiriga.

Kulankan ayaa lagu taageerayey go’aankii dhowaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen in gobolka Benaadir uu matalaad 13 xubnood ah ku yeesho golaha Aqalka Sare sare ee dalka.

Tallabadaani ayaa ka dhigeysa in Aqalka Sare ay tiradiisa guud noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada matalayay, waxaana markii ugu horeysay xubno metela ku yeelan doona beelaha asal ahaan dega gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka degmada Xamar-weyne C/qaadir Suufi Axmed (Baanow), haatana ah Gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta degmadaas oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in beesha Dhabar-weyne ay soo dhoweyneyso xubnaha loo qoondeeyey metelaada gobolka Banaadir ee aqalka sare isagoo u mahad celiyey Golaha shacabka iyo madaxda sare ee dalka oo xaqijiyey in shacabka Muqdisho ay metelaad helaan.

“Beesha Dhabar-weyne waxay ka mid tahay beelaha ugu faca weyn beelaha Banaadiriga, waxayna leedahay taariikh fog oo soo jireen ah, waxaa ka dhashay Xaaji Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa 13-kii dhalinyaro ee SYL oo u soo halgamay xoriyada aan maanta harsaneyno iyo dad kale oo magac iyo maamuus ku leh bulshada, waxaan codsaneynaa in la siiyo xuquuqda ay ku leedahay metelaada gobolka Banaadir” ayuu yiri C/qaadir Baanow.

Maxamed Cabdi Nuur oo ka mid ah Aqoonyanada ka soo jeeda beesha Dhabar-weyne oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in beeshu ay wax la qeybsato beelaha kale ee Soomaaliyeed, ayna muujiyaan isku duubni iyo wadajir, si ay u helaan xaqa ay u leeyihiin iney metelaada ku yeeshaan Golaha aqalka sare ee dalka, isagoo ugu dambeyn halkaas ka akhriyey bayaan ka soo baxay kulankan oo ka soo baxay beesha Dhabarweyne (Hoos ka akhri bayaanka)

Malaaqa guud ee Beesha Dhabarweyne Malaaq Maxamed Aweys Cumar oo gebagebadii kulankaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda faca weyn ee ay leedahay beesha, isagoo xusay iney horey ugu dulqaateen una tanaasuleen  beelaha kale ee Banaadiriga oo qaatay Xildhibaanada iyo Wasiirada ku metela DF, isagoo xusay in markan la soo gaaray xiligii beesha Dhabarweyne ay qaadan laheyd doorkeeda kaga aadan ka qeyb qaadashada siyaasada iyo maamulka dalka.

“Aamuska ay beeshu aamusneyd mudada badan macnaheedu maaha ineysan laheyn cod ay ku raadsato xuquuqdeeda siyaasadeed ee waxaan horey ugu tanaasulnay walaalaheen beelaha kale ee Banaadiriga oo nagu metelayey xubnaha dowlada noogu jira, balse maadaama haatan la helay kuraastii metelaada aqalka sare ee gobolka Banaadir beesha Dhabar-weyne waxay diyaar u tahay iney markan doorkeeda qaadato, isla markaana buuxiso kuraasta gobolka Banaadir laga siiyey metelaada aqalka sare” ayuu yiri Malaaq Cumar oo dhinaca kale ku baaqay in si walaalnimo ah loo xaliyo khilaafaadka yar yar ee ka dhex jira beesha, wuxuuna ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey, midnimo, horumar iyo Barwaaqo.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka hadlay xubno kala duwan oo ku hadlayey magaca haweenka, dhalinyarada iyo waxgaradka beesha dhabar-weyne kuwaasoo ku dheeraaday taariikhda faca weyn ee beesha, kaalinta ay ka soo qaadatay halganka iyo dowladnimada iyo weliba sida loogu baahan yahay in beesha ay mar kale uga soo muuqato masraxa siyaasada dalka, waxaana intii uu socday kulankaas lagu soo bandhigay heeso iyo suugaan kale oo ka turjumaya hidaha dhaqanka soo jireenka ah ee beelaha banaadiriga gaar ahaan beesha Dhabarweyne.

HOOS KA DAALACO BAYAANKA KA SOO BAXAY SHIRKA IYO SAWIRADA:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -