Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Madasha Dooxa (Daawo Sawirada)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dalka Qatar uga qayb galay madasha sannadlaha ee Dooxa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in adduunyadu garaawsato in Soomaaliya ay kasoo gudubtay dhibaatooyinkii badnaa xilligaanna ay mudantahay in loola dhaqmo dal u diyaarsan in uu ka qayb gaato horumarinta caalamka.

Ajandayaasha ugu waawayn ee madasha sannadkaan 2018 ayaa kala ahaa amaannka, nabadda iyo dhex-dhexaadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo isbedellada, waxa ayna sannadkaan ahayd sannadkii labaad ee mudane Xasan Cali Khayre uu ka qayb galo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo Madaxweynaha Hirshabelle kala hadlay arrimo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo magacaabay xubnaha Golaha Shacabka ku matelaya Baarlamaannada Africa, Carribean iyo…

Cabdi Cade

Antony Blinken oo booqasho xasaasi ah ku tagay Magaalada Beijing (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---