Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Akhriso: Xildhibaano taageersan Farmaajo oo bayaan cad ka soo saaray Muqdisho (Sawirro)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo tiradooda ku sheegay 135 ayaa taageero buuxda u muujiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo, ka dib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid dhoolatus ah oo lagu muujinayey cududa xildhibaanada taageersan madaxweynaha ayaa waxay ka soo saareen bayaan ay ku sheegeen in mooshinkii laga keenay madaxweynaha uu jabay waxna aysan ka jirin sharci ahaansihiisa ka dib markii xildhibaanada ku saxiixan qaarkood ay sheegeen in lagu been abuurtay.

Waxaa kulanka hadallo ka jeediyay xildhibanno kala duwan oo eedeyn u jeediyey guddoomiyaha Baarlamaanka iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo furo kulamada Golaha Shacabka loo dardargeliyo.

Hoos ka akhriso bayaanka ay soo saareen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka Mamnuucday xayeysiinta Sigaarka

Caydiid Ali

Waa sidee xaalada degaanadii shalay lagu dagaalamay ee duleedka Gaalkacyo?

Caydiid Ali

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay shilkii dhexmaray ciidanka NISA & Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---