Faahfaahin: Dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraray bar Kontorool oo ciidamada xoogga dalku ku  leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose

Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Mukeyga oo ka tirsan degmada Afgooye, iyadoo halkaasi fariisamo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka.

Dagaalka labada dhinac dhexmaray ayaa socday mudo kooban, waxaana degmada Afgooye laga maqlayay rasaasta ay isweydaarsanayeen Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab, waxaana saaka degan xaalada degmada Afgooye, Maamulka degmadana weli wax war ah kama soo saarin weerarkan oo aan aheyn kii ugu horeeyey noociisa ee ka dhaca degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -