Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baydhabo ay ka socdeen rabshado

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in saakay xaalada magaaladaasi ay tahay mid wax xoogaa dagan oon wax rabsho ah ka socon.

Baydhabo ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ka socday rabshado dhiig ku daatay, waxaana magaalada noqotay meel furun dagaal oo kale iyadoona lasoo dhoobay ciidamo badan oo booliis ah iyo kuwa AMISOM.

Xaalada magalaada Baydhabo ayaa saakay ah mid degan, waxaana dib u furmay inta badan ganacsigii ka jiray magaalada, waxaana wali xiran oo ganacsi ka jirin goobaha ganacsi ee ku dhaw Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in magaalada laga qaaday ciidamadii AMISOM iyo kuwa booliiska ee shalay lagu daadiyay qeybo badan oo kamid ah magaalada Baydhabo.

Rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay geerida dad badan oo shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa sidoo kale rabshadahan waxyeelo kasoo gaartay ciidamada AMISOM.

Waxaa wali laga cabsi qabaa in mar kale magaalada dib uga qarxaan banaan baxyo rabshada wata maadaama wali ay taagan tahay xiisadii dhalisay rabshadaha oo ahaa xarigii loo geestay Abuu mansuur.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka magaalada Baydhabo in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amaanka magaalada Baydhabo, waxa ay dowlada sidoo kale dalbatay shacabka in la shaqeeyaan Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -