Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aroos dad badan ka yaabiyay oo ka dhacay dalka Kenya !!(Daawo Sawirada)

Dalka Kenya waxaa ka dhacay aroos aad uga yaabiyay bulshada dalkaasi, waxaana arooskan uu noqday mid si weyn looga hadal hayo aragtiyo kala duwana looga bixiyay baraha bulshada.

Nin 27-sano jir ah ganacsade ah oo lagu magacaabo Tom Mako, ayaa mar qura guursaday labo xaas oo lagu kala magacaabo Elizabeth Simaloi, oo 25 sano jir ah iyo Joyce Tikoiyan, oo 23 sano jir ah, waxa ayna labadan gabdhood wax ka bartaan Jaamacad kutaala Kenya.

Dadka Kenya ayaa si weyn ugu hadal hayaa baraha bulshada arooskan layaabka leh, waxaana arooska la sheegay in lagu qabtay kaniisad taas oo la sheegay in ay kasoo horjeedo diinta masiixiga.

Tom Mak, ayaa difaacay guursashada labada xaas, waxa uuna sheegay ninkan in uusan guurkiisa shaqo ku laheyn diin iyo dhaqan, waxa uuna tilmaamay in uu aad u jecelyahay labadiisa xaas daacadna u yahay.

“Guurkayga kaniisadda iyo dhaqanka midna shaqo kuma lahan. Waxaa jiro dad farriimo been abuur ah ku baahinaya baraha bulshada, daacad ayaan labadayda qoys u ahay maxaa yeelay uma baahan doono inaan guursado mid saddexaad. Waxaan aaminsanahy inay labadan igu filan yihiin.” ayuu yiri Tom Mak.

Labada xaas uu ninkan guursaday ayaa dhankooda sheegay in ay ku faraxsan yihiin guurkooda, waxa ayna sheegeen in ay go’aansadeen in ay sameeyaan waxa uu jecel yahay seygooda.

Arooskan ayaa noqday mid hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Kenya laguna baahiyay Warbaahinta, waxaana dadka qaar dhaliil usoo jeediyeen arooskan halka kuwa kalana ay bogaadiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay khilaaf ka dhex aloosan Xiriirka K/Cagta

Caydiid Ali

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan isbarasho ah la qaatay Pier Marion Dacco (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Yurub Oo Kalsoonida Kala Noqonaya Dowladda Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---