Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xiisada ka taagan magaalada Baydhabo .

Qoraal kasoo baxay Wakiilada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay , AMISOM iyo wadamo kale oo daneeya arimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay aad uga wal walsan yihiin rabashadihii khasaaraha dhaliyay ee shalay iyo maanta ka dhacayay magaalada Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa tacsi u dirtay eheladii uu ka dhintay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo saakay ku dhintay rabshado ka dhacay Baydhabo, waxa ay sidoo kale beesha caalamka tacsi u dirtay dadkii kale ee rabshadaha ku dhintay.

”Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wakiilada beesha Caalmka ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhamaan dhinacyada in ay ixtiraamaan in doorashada ay ku dhacdo qaabkii lagu heshiiyay, waxa ayna dhamaan dhinacyada ay quseyso doorashada ugu baaqeen beesha Caalamka in ay ixtiraamaan daacadnimada.

”Waxaan ku dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Qoraalka kasoo baxay Beesha caalamka ayaan lagu soo hadal qaadin xariga ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM magaalada Baydhabo ugu geesteen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan doorashada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -