Midowga Yurub Oo Kalsoonida Kala Noqonaya Dowladda Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysa

Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu eedeeyay arimo kala duwan oo Midowga Yurub uu sheegay iney ku tumatay iskabadaa in lagu xadgudbee.

Arimo dhowr ah ayaa lagu heystaa Dowladda Soomaaliya hadii ay wax ka qaban weysanaya waxaa suuragal ah in cunaqabateyn la saaro .

Waxyaabaha Dowladda Soomaaliya lagu heysto waxaa kamid ah inay ku tumato Xuquuqda Aadanaha, waxay kaloo  xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre lagu eedeeyay inay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho.

Qodobada ugu waa weyn ee Midowga Yurub  Dowladda Soomaaliya ku heysto waxaa kamid ah.

 Al Shabaab oo wali maamulaya qeybo kamid ah Soomaaliya xili in kabadan 22,000 oo ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwo Dowladda Fedralka Soomaaliya ka howlgalayaan dalka.

2.6 Million oo qof oo dalka ku barakacsan kadib abaarihii sanadadihii ugu dambeeyay ku dhuftay Soomaaliya oo aan heysan waxyaabaha aas-aaska u ah Nolosha, xili hay’ado caalami ah ay dowladda dhaqaale badan ku siiyaan arimaha Bini’adanimada.

·Maleeshiya beeleedyada hubeysan iyo Al Shabaab oo si arxan-darro  ah dilal uga geysanaya meelaha dowladda gacanta ku heyso waxaana sidoo kale ay geystaan kufsi,  dilal aan baaritaan ku sameyn dowladda iyo ciqaab ay u geysanayaan cidda walbo oo ay is qabtaan iyagoo sidoo kale askareeya caruurta da’da yar.

· Howlgallada Military ee ciidamada Dowladda oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda oo xabsiga dhiga sabab la’aan dad aan waxba galabsan waxaana loo geysto jirdil iyo handadaad.

· Al shabaab oo gudaha Soomaaliya ku diyaariya qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya, iyadoo ay jirto in 14-kii October ay shabaabku ku dileen Muqdisho oo ah Magaalo madaxda Soomaaliya in kabadan 500 qof.

· Ciidamada AMISOM oo ku xad gudbaya  xuquuqda bini’aadanimada dadka Soomaaliyeed, waxna kama qabato Dowladda dalka hogaamisa sidoo kale waxeey dilaan dad shacab ah iyagoo kufsi badan ku haya dumarka ku nool goobaha magaalada kabaxsan oo ay ka howlgalaan.

· Cadaalad darro ka jirta maxkamadaha Soomaaliya,  waxaana maqan xuquuda aas aasiga ah ee uu isku difaaci karo qofka shacabka ah, iyadoo Maxkamadaha Militry-ga la soo taago dad shacab ah.

· Ciidamada nabad sugidda iyo qaranka Soomaaliyeed (NISA) oo heysta awood balaaran oo ay ku sameeyaan  baaritaanada iyo howlgaladda la amro iyadoo aysan jirin sharci haga taa oo sababi karta rabshado, kana dhasha ku xad-gudbka  dadka ay Ciidamada NISA qabtaan.

· Xakeemyo xuriyatul qolka, iyadoo loo hanjabayo weriyayaasha, waxaana xabsiga la dhigaa hubsiino la’aan, qaarkood waxaa lagu khaarijiyaa si qorsheysan, si lamid ah maamul goboleedyada dalka ayaa xira xarumaha warbaahineed ee maamulkooda hoos yimaada hadii ay ka hadlaan arimo jira.

·Soomaaliya oo aan u diyaarsaneyn iney martigeliso qaxootigeeda soo laabanaya oo  albaabada ka soo xiratay dowladda Kenya kuwoo oo ku noolaa xeryaha qaxootiga sida Dadaab Iyo Ifo.

· Colaada dagaal ee ka  taagan Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo dowladda Federalka  aysan qaadin wax talaab ah oo lagu joojinayo.

·Dad aan aqoon durugsan u laheyn oo ka howlgala xarunta dambi baaritsa CID-da oo laga rabay iney dabagal iyo baaritaan ku sameeyaan Kiiska kala duwan ee dhaca sida dilalka, qaraxyada iyo dhaawacyada ee ciidanka dowladda geystaan ama shacabka ay la kulmaan, waxaa meeshaas ka maqan qabiir yahao aqoon u leh howlaha dambi baartista.

· Midowga Yurub oo Soomaaliya meel u saaray 286 million  (€) Euro    ka soo bilaabato sanadii (2014-2020) si wax looga qabto dib u dhiska Soomaaliya, nabadeynta dalka, helida cunada, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka u ah dowladnimada, ayaa u muuqda kuwo shaqsiyaad u gacan galay kadib boorsoyinka ku shubta, sidoo kale EU-da waxeey soomaaliya u qoondeysay 120 Million oo Euro oo u gaar ah arimaha bini’aadanimada iyo 1000,000 oo Euro oo si deg deg ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya markii dad badan oo shacab ah ku dhamaadeen weerarkii 14-kii October ee ka dhacay Muqdisho, sidoo kale Midowga Yurub waxa uu sheegay iney taageeraan Howlgalka AMISOM.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Baarlamaanka Midowga Yurub oo madaxda hay’ado caalami ah  kaa shanaya,  waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto arimaha ay soo gudbiyeen, waxaana suuragal ah in go’aan lama filaan ah laga qaato Soomaaliya oo ka imanaya Midowga Yurub, sida in la joojiyo dhaqaalaha faraha badan ee Miwdoga yurub oo kalsoonida lagala noqdo iyo in cunaqabaten la saaro Soomaaliya.

Wali dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka  kama aysan jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub uga timaada.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Gmail: Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -