Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in Itoobiya iyo Eritrea uu dalka ku qabsanayo !!

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay xarig maanta ciidamada Itoobiya magaalada Baydhabo ugu geesteen Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sheekh Mukhtara Roobow.

Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in dalka ku qabsado kuna maamulo dowlada Itoobiya iyo Eritrea.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xildhibaan Mahad Salad oo u qornaa sida tan

FARMAAJO Itoobiya iyo Eritareeya ayuu rabaa dalka in uu ku qabsado!

Madaxweyne Farmaajo eedaynta Barlamaanku usoo jeediyay in ay sax tahay uuna rabo Itoobiya iyo Eritareeya in ay xoog ugu qabtaan Soomaaliya, xoogna uu wax ku maamaulo daliil cad waxaa u ah:

1. In uu ka tilaabsaday dastuurkii uu ku dhaartay. Golihii Shacabka ee doortay Gudoomiyihiisiina uu 72 saacdood Madaxtooyada ugu dhex xirnaa!

2. In ciidamada Itoobiya ay maanta u afduubeen Mukhtaar Roobow. Si looga reebo doorashada Koonfur Galbeed. Meeshana uu uga soo baxo Madaxweynaha uu isagu rabo.

3. In Madaxweynaha Eritareeyana uu maanta Mogadishu marti ugu yahay si uu ugu keeno ciidamo xoog ugu qabta Mogadishu uguna baacsado siyaasiinta ka fikirka duwan.

Duqiyow waa kaa qaldantahay ee taariikhda gadaal ugu laabo. Dalka iyo dadkana bohol haku ridin!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub

Caydiid Ali

Dabkii ka kacay isgoyska Benaadir oo sii xoogeystay iyo gurmad soconaya (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dagaalyahanada Xisbullah oo 60 gantaal ku garaacay gudaha Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---