Dabkii ka kacay isgoyska Benaadir oo sii xoogeystay iyo gurmad soconaya (Sawirro)

Waxaa sii xoogeystay Dab xooggan oo caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku shareeraray.

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, iyagoo isku dayaya inay dabka damiyaan.

Sidoo kale Dadweyne fara badan ayaa gaaray goobta, hase-ahaatee ciidamada dowladda ayaa cirka u tuuraya rasaas si dadka aysan ugu dhowaan halista dabka oo ku sii faafaya goobo kale oo ganacsi iyo dhismeyaal halkaas ku yaalla

- Advertisement -