Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub

Ciidanka Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka oo ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug

Ciidamada huwanta ayaa u gudbay deegaanka Shabeelow oo al-shabaab u ahaa fariisin muhiim ah halkaas oo hawlgal ciidanku ka fuliyeeen lagu dilay 25 ka tirsan al-shabaab iyadoo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen sida ay sheegtay warbaahinta DF

Sidoo kale, ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaanada Kuridhi iyo Qoriley oo iyagana dhaca Galbeedka Magaalada Camaara.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgaladan inta taako ka mid ah gobolada Mudug iyo galgaduud ay joogaan al-shabaab, waxayna xuseen iney saacadaa soo socda ku wajahan yihiin degaano ay weli joogto al-shabaab.

- Advertisement -