Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Theresa May oo ka badbaaday Mooshin kalsooni kala noqosho ah (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ka badbaaday mooshin kalsooni kala noqosho oo ay keeneen Xildhibaanada xisbiga muxaafidka kadib khilaaf ka dhashay sida UK uga baxeyso Midowga Yurub.

Codka oo qarsoodi ahaa ayaa natiijadu waxay noqotay in Theresa May ay ka badbaaday iyadoo heshay 200 cod, halka ay kasoo horjeesteen 117 cod.

Ra’iisal wasaare Theresa May oo maanta baarlamaanka UK dood culus ku wajahday ayaa u baahneyd si ay uga badbaado mooshinka codka kalsoonida loogu qaaday codad dhan 159 cod.

May ayaa hadda heysata 1 sano oo ay xilka sii heyn doonto, iyadoo hore u sheegtay inaysan mar kale is sharixi doonin.

Theresa May ayaa noqotay ra’iisul wasaaraha Britain ,wax yar un kaddib markii xukuumadda UK ay shaaca ka qaaday inay ka baxeyso Midowga Yurub sannadkii 2016-kii.

Tan iyo waaggaasi waxaa dhaleeceen loo jeedinayay xisbigeeda oo ku wajahan heshiiska ka bixidda Midowga Yurub ee Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Shaacisay in Villa Soomaaliya ka shaqeeneyso bur burinta maamulkooda

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay dagaal mar kale dhex-maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya & Doorashada Maraykanka oo …

admin

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeesay dad badan ku dhintay Kaniisad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---