Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

Khayre oo fuliyey balan uu horey uga qaaday shacabka Magaalada Garowe (Akhriso)

Duqa Magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa sheegay in raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre uu fuliyey balan-qaad uu shacabka magaaladaas u sameeyey xiligii uu halkaas booqanayey bartimihii sanadkan kaasoo ahaa in dowladu ku deeqeyso roog cagaaran oo loogu talo galay in la dhigo garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee magaaladaas ku yaalla.

Axmed Saciid Muuse ayaa mahad celin balaaran u soo jeediyey raisul wasaaraha taasoo ku aadan sida uu uga soo dhalaalay balanqaadkii uu sameeyey.

“Waxaa Illaahay mahadiis ah in maanta la saxiixay lacag 150 kun oo doolar oo lagu goglayo roogga cawska ah Garoonka Mire Awaare. Annigoo ku hadlaya afka dadweynaha Garowe, waxaan mahad iyo qadarin u celinayaa Raisal Wasaaraha DFS oo ka dhabeeyey ballantii uu u qaaday dhallinyarada Isboortiga iyo dadweynaha Garowe” ayuu yiri Axmed Saciid Muuse oo qoraal kooban soo dhigay boggiisa facebook.

Dhinaca kale, qoraal shalay ka soo baxay xafiiska raisul Wasaaraha Somalia  ayaa lagu faray wasaarada Maaliyada Somalia iney bixiso lacag $150 kun loogu talo galay in cowska cagaaran loogu soo iibiyo garoonka ciyaaraha Garoowe sida ku xusan qoraalka hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble iyo wafdigiisa oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali

(Video) Dagaalkii ka socday Dhuusamareeb oo xoogeystay iyo duqeyn culus oo ka socota

Caydiid Ali

Jabhada ONLF oo qarka u saaran iney mar kale hubka qaado

Caydiid Ali
Taboola Ads ---