Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho safar ku yimaado Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaana socota qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah u diray Madaxweynaha Eritrea, waxaana la filayaa labada Madaxweye in ay kawada hadlaan arimo dhowr ah oo ugu horeeyo xoojinta xiriirka labada wadan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii July ee sanadkan booqashadii ugu horeesay ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, waxaana halkaasi kasoo bilowday xiriirka hada u dhaxeeya labada dhinac.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay , waxaa inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo loo diidayo in ay maraan gaadiidka dadweynaha.
Waxii warar ag ee kusoo kordha safarka Afwerki ku imaanayo Muqdisho kala soco wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com