Kulamo xasaasi ah oo caawa ka kala socda hoyga Guddoomiye Mursal & Villa Somalia

Hoyga uu maanta u soo guuray Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa galabta iyo caawa ka socda kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Madaxweynaha.

Waxaa ka qeyb galaya kulamadan Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo siyaasiyiin kale, iyagoo Guddoomiyaha kala hadlaya sidii loo soo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee dalku galay iyo Khilaafka ka dhex aloosan Madaxda ugu sareysa dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa muuqda inuu helay fursado uusan helin intii uu ku sugnaa Villa Somalia ka dib markii uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyadda Soomaliya ayaa hadda kulamo isdaba joog ah ka bilaabay goobta uu u guuray oo sidoo kale ay buux dhaafiyeen xildhibaanada mooshinka wada.

Mursal ayaa maanta caddeeyay inaysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana baarlamaanka la horgeyn doono.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenada Golaha shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda ayaa iyana dhinacooda kulamo la leh Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha oo u badan Wasiirada ku jira Xukuumada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diiday qorshe ay wadeen xildhibaanada taageersan oo la doonayey in lagu diyaariyo mooshin kale oo ka dhan ah gudoomiye Mursal si loogu jebiyo Mooshinka Madaxweynaha ka yaalla.

Farmaajo ayaa sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay u sheegay Xildhibaanada qorshahaas waday in xiligan aan loo baahneyn mooshin noocaas ah, wuxuuna xusay inuu kalsooni ku qabo in mooshinka isaga ka yaalla uusan meel gaari doonin, siyaabo kale oo sharciga waafaqsana uga hortayaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo ka walaacsan ismari-waaga iyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkan ayaa qadiyaan ka taagan mooshinada noocan ah ee markii muddo la joogaba dalka ka abuura qalaalasaha siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -