Mareykanka iyo Xulufadiisa oo weerar xoogan ku qaaday dalka Siiriya (Daawo Sawirada)

Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa weerar xoogan oo dhinaca cirka ah waxa ay ku qaadeen dalka Siiriya, waxa ayna weerarkan uga jawaabayeen weerar loo adeegsaday Kiimiko Sun ah ay fulisay Dowlada Siiriya.

Gantaalo xoogan ay rideen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa ku dhacay saldhigyo iyo goobo muhiim ah oo kuyaala gudaha Siiriya ayna gacanta ku heyso dowlada.

Uuro iyo qiiq ka baxaya qeybo kamid ah magaalada Dimishiq ayaa la arkayay , waxaana goobaha gantaalada lagu garaacay la sheegay in ay ku jiraan goobo ay dowlada Siiriya gantaalada kiimikada ku sameysato.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dowlada Mareykanka iyo xulufadooda weerar xoogan ku qaadeen dalka Siiriya, waxaana weerarkan sheegay in uu jawaab u yahay weerarkii ka dhacay Deeganaka Douma ee shacabka lagu laayay.

Dhinaca kale af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku.

Dowlada Siiriya ayaa la sheegay in hubkii iyo agabkii muhiimka ahaa kala baxday goobaha la bar tilmaameedsaday, waxa ay sidoo kale Ciidamada Ruushka ka hortageen qaar kamid ah Gantaalada lagu soo riday Siiriya,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -