Donald Trump oo si yaab leh uga hadlay Wararka sheegaya in xilka laga qaadayo

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u sheegey wakaaladda wararka ee Reuters in uusan walaac ka qabin wararka sheegaya in kalsoonida lagala noqon doono oo xilka laga eryi doono.

Warbixin lagu qorey Reuters ayuu wareysi gaar ah oo uu madaxweynuhu bixiyey, waxa uu ku yiri “Way adag tahay in xafiiska laga eryo qof aanan sameyn wax qalad ah, isla markaana abuurey dhaqaalihii ugu xoogganaa abid ee taariikhda waddanka”

Xubnaha mucaaradka xisbiga dimoqraadiga, ayaa soo saaray arrimo walaac abuurey oo ay ka mid tahay lacago uu bixiyay qareenkii madaxweynaha Michael Cohen, kuwaasoo la siiyay haween la tuntay madaxaweynaha ka hor doorashadii madaxtinnimada 2016 si ay afkooda u xiraan.

Lacagahaasi oo sharci darro ahaa ayay dacwad oogayaal federal ah waxay leeyihiin waxa bixintooda amray Trump si uu xaqiiqada shaqsiyadiisa uga qariyo shacabkiisa taasoo ay sheegeen iney tahay qiyaano qaran.

Dimoqraadiyiinta ayaa sidoo kale ku doodaya in lacagahaasi oo sharciga ka fogaa uu sidoo kale Trump ku shaacinin ololihiisi, waxayna leeyihiin tallaabooyin noocani ah waxay abuuri karaan in madaxweynaha codka kalsoonida loo qaado, xafiiskana laga eryo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -