Miletariga Somalia oo ka baxay degaano ay dhowaan ka saareen Al-Shabaab

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa iney ka baxeen degaano ka tirsan gobolka Mudug oo ay dhawaan ka qabsadeen Al-shabaab.

Degaanada ay ciidamada ka baxeen ayaa waxay hoos tagaan degmada Hobyo ee gobalka Mudug waxaana dhawaan qabsaday Ciidamada ka dib duqeyn xoog leh oo maalmo ka socotay koofurta Mudug.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya iyadoo aan dagaal dhicin ay ciidamada dowladu iskaga baxeen lamana oga sababta ka dambeysay bixitaankooda.

Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa iney ku soo laabtaan tuulooyinka ay maanta ka baxeen Ciidamada Dowladda ee gobalka Mudug, mana ahan dhaqan ku cusub ciidamada dowladu iney ka baxaan degaanada ay ka qabsadaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -