Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu RW Rooble ku soo arkay xerada Ciidamada Danab ee Bali doogle?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16.

Ra’iisul Wasaaraha oo xogwareysi la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka Danab guutadiisa 16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan.”

Dowladda Mareykanka ayuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka Danab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona bogaadiyey dhabar adeygga, geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay dalka ka sifeeyaan argagixisadas caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/39oldNRjzPI

Related posts

Puntland oo taakuleyn ugu deeqday ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Caydiid Ali

Iska horimaad dhexmaray ciidamada Ruushka iyo Britain & Xiisad ka taagan (Sawirro)

Caydiid Ali

Milatariga dalka Sudan oo war kasoo saaray Dagaalka ka socda Khartuum iyo guulaha ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---