Maxaa ka jira in agaasimihii Isbitaalka Madiina uu ka hor yimid inuu xilka wareejiyo?

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Xijaar ayaa maalmo ka hor soo saaray wareegto xilka looga qaaday agaasimihii Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Dr. Max’ed Yuusuf, isagoo magacaabay agaasime cusub.

Iyadoo arrintaas ay jirto ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay soo baxay warar la isla dhexmarayey oo sheegaya in agaasimaha xilka laga qaaday ee Isbitaalka Madiina Dr. Max’ed Yuusuf uu ka hor yimid inuu xilka wareejiyo.

Haddaba Shabakada Allbanaadir Online oo u kuur galaysa arrintan ayaa samaysay dabagal ku aadan xaqiiqada warkan, iyadoo si toos ah ula xiriirtay agaasimaha xilka laga qaaday.

Dr. Max’ed Yuusuf ayaa beeniyey inuu ka hor yimid xilka ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna xusay inuu diyaar u yahay xilka inuu ku wareejiyo cida loo soo magacaabay.

“Ma jirto xil wareejin aan ka hor imid, kaliya waxaan soo jeediyey in la i sugo lagana dhigo Khamiista soo socota, si aan u helo fursad aan ku diyaar-garoobo, maadaama aan muddo dheer soo maamulayey Isbitaalka, balse waa la ii yimid waxaana la igu yiri si qasab ah waa inaad hadda xilka ku wareejisaa taasoo aan suuragal ii aheyn, waana taas mida aan ka hor imid” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Waxaa uu intaas ku daray in wixii intaas ka dambeeyey loo diiday isaga inuu galo Isbitaalka Madiina ka dib markii qoraal ka soo baxay taliye Xijaar la dhigay albaabka isbitaalka taasoo  ilaalada ah ee Isbitaalka lagu faray inuusan soo geli karin gudaha.

“Waxaa jira bukaano aan anigu qaliin ku sameeyey oo jiifa Isbitaalka kuwaasoo xaaladoodu u baahan tahay inaan la socdo, balse aan awood u yeelan waayey inaan u tago amarkan awgeed, xitaa waxay aheyd in ugu yaraan bukaanadaas laga fekero caafimaadkooda taasina nasiib daro ma dhicin” ayuu yiri agaasimaha oo intaas ku daray in si xun loola dhaqmay, laguna maamuusi waayey shaqadii adkeyd ee uu ka soo qabtay Isbitaalkaas.

Taliska Booliska kama hadlin eedeymahan mar aanu isku daynay inaan ka wax ka weydiinana nooma suuragalin, balse Dr. Max’ed Yuusuf oo isbitaalka soo maamulayey muddo 13 sanadood ka badan ayaa shaqo adag ka soo qabtay isbitaalkaas, isagoo u soo joogay xiliyadii uu adkaa ee ay magaalada Muqdisho ka jireen dagaaladii cuslaa ee u dhexeeyey ciidamada DF, AMISOM iyo Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen kumanaan qof, kumanaan kalena ku dhaawacmeen.

Isbitaalka Madiina ayaa waxaa la dhisay xiligii dowladii Kacaanka, waxaana loogu talo galay in lagu daweeyo ciidamada, saraakiisha Booliska iyo qoysaskooda, iyadoo la hoos geeyey hogaanka caafimaadka ee taliska ciidanka Booliska.

Hase ahaatee tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu dalku galay burburka iyo dagaalada sokeeye sanadkii 1991 waxaa isbitaalka loo isticmaalayey in lagu daweeyo dhaawacyada dadka rayidka ah, waxaana gacanta ku heysay tan iyo xiligaas heyadda laanqeyrta cas ee caalamiga ah ICRC oo Isbitaalka ka kaalmeysa, dhinaca, dawooyinka, qalabka Caafimaadka iyo mushaharka dhaqaatiirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
       

- Advertisement -