Xusuusta maanta oo kale 21kii Oktoobar intii u dhexeysay 1969-1990 (Daawo Sawirro)

Maanta oo kale Arooryadii hore ee 21-kii Oktoobar sanadkii 1969-kii ayey aheyd markii koox ka tirsan ciidamadii milateriga iyo kuwa Booliska oo uu hogaaminayey S/Gaas Maxamed Siyaad Barre ay xukunka dalka ku qabsadeen afgembi aan dhiig ku daadan, maalmo ka dib markii magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool lagu dilay madaxweynihii dowladdii sida Dimoqraadiga ah loo soo doortay ee xiligaasi jirtay marxuum C/rashiid Cali Sharmarke, waxaana ciidamadan ay u soo baxeen wadooyinka iyagaoo wata taangiyo waxayna gacanta ku dhigeen xarumaha waaweyn ee dowladda sida xarunta Baarlamanka, idaacadii Radio Muqdisho iyo meelo kale oo badan.

Saraakiishii afgemigaasi hogaamineysay oo intooda badan ay hadda geeriyoodeen ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1- Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Xoogga)

2- Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)

3- Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Xoogga)

4- Brig. Gen. Xuseen Kulmiye Afrax (Boolis)

5- Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Xoogga)

6- Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Xoogga)

7-Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (Xoogga)

8- Col. Cali Mataan Xaashi (Xoogga – Ciidanka Cirka)

9- Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)

10- Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)

11- Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Xoogga)

12- Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Xoogga)

13- Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)

14- Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga)

15- Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Ciidanka Badda)

16- Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga)

17- Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Xoogga)

18- Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga)

19- Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Xoogga)

20- Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Xoogga)

21- Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Xoogga)

22- Capt. Maxamed Cumar Jees (Xoogga)

23- Capt. Cusmaan Maxamed Jeele (Xoogga)

24- Maj. Muuse Rabiile Good (Xoogga)

25- Capt. Cabdi Warsame Isaaq (Xoogga).

26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii ayaa xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee dalka ka talineysay muddo 21-ka sano ah, ka dib markii Jabhado hab qabiil u abaabulan oo ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyo inuu ku xad gudbay arimo badan oo ay ugu horeyso diinta Islaamka, xoriyada hadalka iyo waxyaabo kale haddana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan waxaa la isku raacsan yahay ineysan jirin cid qabatay wax ka wanaagsan wixii uu u qabtay dalka iyo dadka Somaliyeed.

Waxaa uu dalka dalka ka abuuray hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaa waxbarasho lacag la’aan ah, min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo dowladaha horey u maray xitaa aan ka jirin, ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, kala dambeyn iyo amni buuxa oo xiligii aad doonto socon karto, dhismihii isbitaalada jaamacadaha wadooyinka iyo wasaaradaha, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Maxamed Siyaad Barre marti galintii shir madaxeedkii afrika sanadkii 1974 iyo qoridii afka Soomaaliga 1972, ku biiridii Soomaaliya ee Jaamacada carabta sanadkii 1974 iyo dagaalkii Itoobiya lagu qaaday 1977 ee lagu xoreynayay Somali galbeed iyo arimo badan aan la soo koobi Karin.

Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuq-maasuq iyo sicir barar baahay sanadihii ugu dambeeyey xukunkiisa, xarig iyo dil lagula kici jiray cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacab tumaan Jabhadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka, hase ahaatee, nasiib daro markii Maxamed Siyaad la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad laheyn markastana weji cusub la soo baxayey, marxalad kale fooda la sii galayey, waxaana meel walba ku baahay xaalad fowdo iyo Jahwareer leh illaa hadda oo ay ka soo wareegtay xiligaasi 27 sano waxaa la la’yahay xal lagu soo celiyo Qaran Soomaaliyed ee awood leh.

Sida dad badan aaminsan yihiin MSbarre qaladaadkii ugu waaweynaa ee uu galay ayaa waxaa ka mid ahaa toogashadii lagu fuliyey horaantii sanadkii 1975-kii 10 nin oo ka tirsana culumaa’udiinka Somalida ka dib markii ay ka soo horjeesteen go’aan diinta Islaamka qilaafsanaa oo ka soo baxay golihii sare ee Kacaanka oo ahaa in ragga iyo haweenku ay siman yihiin, waxaana culumaa’udiinkaasi la dilay ay kala ahaayeen.

1- Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2 – Sheekh Muuse Yuusuf

3 – Sheekh Axmed Iimaan

4 – Cali Xasan Warsame

5 – Xasan Ciise Iley

6 – Maxamed Siyaad Xirsi

7 – Cali Jaamac Xirsi

8 – Aadan Cali Xirsi

9 – Saleebaan Jaamac Maxamed

10- Yaasiin Cilmi Cawil.

Markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee Somalia 26-kii Janaayo 1991-dii, xiligaasi dadku aad ayey ugu farxeen, Hase ahaatee  27-ka ka dib maanta ku arki meysid shacabka Somalida qof ku arintaasi soo dhoweynaya, xitaa kuwii la dagaalamay waxay kuu sheegayaan iney ka qoomameynayaan dagaalka ay la galeen marka loo eego wixii dalka ka dhacay xiliyadii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray oo aheyd markii Somalia ay ugu dambeysay dowladnimo iyo nabad, ayna soo soo bilaabatay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee ay 27ka sano ka dib weli loo maaro la yahay.

Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin farxadeed oo loo dabaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, kaasoo ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray, marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay.

Dowlado badan oo KMG ah ka dib waxaa hadda ka jirta dalka dowlad rasmi ah oo  aqoonsi buuxa oo caalami ah heysata hase ahaatee awoodeeda hogaamineed ee gudaha ay kooban tahay, waxaana laga rajeynayaa iney dib u soo celiso sharaftii iyo karaamadii uu lahaan jiray Qaranka.

(Dugaagaa dalka kaa baxshee… duqaanoow dowlad waa aheyd)

Marxuum Abwaan Abshir bacadlle

Max’ed Siyaad Barre & Jen. Salaad Gabeyre Kediye (Xerada Afisiyooni)

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -