Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Ergayga Madaxweynaha & Xoghayaha Guud ee J/Carabta? (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula qaatay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmad Abul Ghaid.

Kulanka labada masuul ayaa hordhac u ahaa shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Qaramada Midoobay oo Talaadada berri ah ka furmaya magaalada Qaahira, kaasoo looga hadlayo Abaaraha iyo Gigsiga Cimilada.

Ergayga gaarka ah ayaa xogahaya guud kala hadlay ajandayaasha shirka la hordhigayo iyo natiijooyinka ay dawladda Soomaaliya shirka ka doonayso, dhinacyada ayaana isla meel dhigay qodobbo muhiim ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo abaabulka shirka kaalin wayn ku leh ayaa ergayga kulanka ku wehliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida ku timid Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

Cabdi Cade

Israel oo si weyn uga carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dayuurad uu leeyahay Madaxweyne caan ah oo laga helay daroogo fara badan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---