Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerar saaka ka dhacay J/hoose

Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in Duqayn ay ka fliyeen Soomaaliya, iyagoo kaashanaya ciidamada  dowladda Soomaaliya.

Duqeynta ayaa  ka dhacday agagaaraha degmada Jamaame gobolka J/Hoose, maanta oo taariikhdu tahay  19-ka Janaayo sida ay sheegtay AFRICOM.

War-Saxaafadeed uu soo saaray Taliska Mareykanka  ee Qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in howlgalkan lala eegtay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aysan magacyadooda sheegin.

“Duqeymahan waxaa lagu beegsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan al-Shabaab oo ku lug lahaa fududeynta, tababar dagaal, iyo qorsheynta weerarada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Duqeynta hoggaamiyayaashani waxay carqaladeyneysaa awoodda Al-Shabaab ee ah inay weeraraan saaxiibadeena isla markaana si aan kala sooc lahayn loogu dilo dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa”.

Taliska waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AFRICOM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -