Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khilaaf la xiriira kiiska Badda oo soo kala dhex galay Madaxweyne Kenyatta & Wasiirkiisa A/dibeda

Khliaaf xoogan ayaa soo kala dhax galay Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirkiisa arimaha dibadda Monica Juma kaasoo salka ku haya kiiska badda ee dalkaas kala dhexeeya Somalia sida uu daabacay Wargayska the Star ee kasoo baxa dalkaas

Munica Juma ayaa lagu eedeynayaa inay ku fashilantay arimo badan oo dhanka diplomaasiyada dalka Kenya ah taasoo ay ugu wayn tahay fashilka xoogan ee kaga soo food leh kiiska muranka Kenya ay galisay badda iyo kursiga aanan rasmiga ahayn ee Goalha Amaanka kaas oo ay ku tartamayaan dalka Jabuuti.

Waxyaabaha kale ee loo haysto xoghayaha arimaha dibadda Kenya ayaa waxaa kamid ah in ay magacawday xirfadyahano aanan khibrad wanaagsan u lahayn diblomaasiyadda taasoo keentay in Kenya fashil xoogan kasoo wajaho dhanka diblomaasiyadda.

Wargayska oo soo xiganaya ilo u dhaw madaxtooyada dalkasi ayaa sheegaya in madaxwaynuhu uusan ku faraxsaneyn sida Munica Juma u wajahday arinka kiiska badda iyadoona qaab aanan waafaqsaneen diblomaasiyadda ula dhaqantay dalka Soomaaliya.

Maxkamda caalamiga ee cadaalada ayaa khamiistii sheegtay inay dib u dhigtay dhageysida dacwada badda muddo labo bilood ah halka ay Kenya doonaysay in dib loo dhigo muddo hal sano ah, iyadoo ku andacooneysa iney ceyrisay qareenadii u doodi lahaa ayna qoraneyso qareeno cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Booliska Uganda oo wadaad Muslim ah ku dilay duleedka Magaalada Kambala

Caydiid Ali

Markab Dagaal oo Mareykanka leeyahay oo Madaafiic badan ku riday Dooman Iran leedahay

Cabdi Cade

Amiir Carbeed oo Iibsaday Koox kubada cagta oo Neceb Muslimiinta iyo Dalalka Carabta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---